DHACDADII RAASO




Ahmed Siyad, ayaa Wasiirka Madaxtooyada wax ka waydiiyay dhacdadii Raaso ka dhacday (3-dii September, 2020) ee lagu laayay caruurta yaryar 


Ahmed siyad, ayaa su'aasha sidan u waydiiyay Wasiirka Madaxtooyada.


"3-dii bishii September 2020, Xiligii Xuseen qaasim uu Hogaanka Nabadgeliyada aha waxaa raaso lagu dilay ciyaal shacab ah lix caruuraa ku dhimatey 14 qofna way ku dhaawacmeen, Ciyaalkaasi arday bay ahaayeen waxay ku mudaharaadeen booliska laakin waxaa loo isticmaalay xabad nool, dadkaasi markay dhinteen xuseen qaasim oo BBC-du wareysayey wuxuu kaga jawaabay "Shaqaaqo yar" meel lix qof ku dhimatey 14 qofna ku dhaawacantey sidey u noqotey shaqaaqo yar...?


"Xuseen qaasim wuxuu sheegay in caruurtaasi weerrareen xerada booliska sidaana loo laayay markaa ma sedex jiro iyo lix jiro ayaa caruurta lagu laynayaa...?" ayuu yidhi Axmed siyaad.


Wasiirka Madaxtooyada Xuseen Qaasim ayaa sidan uga jawaabay.


"Raaso waxaa ka dhacay khilaaf, hadii dadka dldowladdu dhexgalina way is baabinayaan."


"Reero waxaa isku soo baxaya kun kun Ciidana wata, Inyar oo Ciidanku meel toga ku hakadey ayay 80 qof iska dileen, halkaas markey maraysay ciidankii waa tagay waaana Kala dhex galay oo wuxuu baajiyay dhiigii dadka walaalaha ah."


"Baadhitaan la sameeyay waxaa lagu ogaaday in dadka masuuliyiina oo qaar dibadda ka tageen iyo kuwo halkaa joogay iney ka shaqeeyeen inuu dhib dhaco oo ay dad badan geeyeen xerada Ciidanka lana damcay in xoog lagu galo xerada Ciidanka, markii arintii la baadhay waxaa Ciidanka lagu waayay iney takri faleen, waxaa lacabirey inta xabad ee Ciidanku rideen iyo inta xabad ee qof ku dhacday, hadii dadka loolla jeeday in la laayo waxaa dhiman lahayd tiro intaa le'eg marka la eego xabada Ciidanku rideen."


"Qof masuula oo berito kursiga ka tagaya inuu dadkiisii isagu maamulayay laayo waa uun qof xil kas ahayn mooyaane qof caadi ah oo miyir qaba ma sameyn Karo."


"Dadka xuquuqdiisa waa la ilaaliyaa wixii la kufsan jirey  wixii la dili jirey ma jiraan laakin markay dhacdooyin dhacaan waa in la baadho baadhitaankaana wixii kasoo baxa lagu qanco."


W/q Shardiid Macalin

                   Voss Tv

Comments

Popular posts from this blog

NOVEMBER 12, 2022

Ethiopia