Xil ilhaan cumar

 Xildhibaan Ilhaan Cumar ayaa ku baaqday in Dowlada Mareykanku ay dib u bilowdo gargaarkii cunnada ee Itoobiya la siin jirey.


Warqad ay Ilhaan Cumar u dirtey maamulaha haayada USAID, Samantha Power ayay kaga codsatey in dib loo bilaaabo gargaarkii mucaawimada ahaa ee la siin jirey Itoobiya.


Waxayna xildhibaan Ilhaan Cumar sheegtay in joojinta gargaarka cunada ee Itoobiya la siin jirey ay halis wayn galineyso malaayiin Itoobiyaanaa oo qarka u saaran Macaluul.


 Mareykanka ayaa Itoobiya siin jirey gargaarka cunada ee ugu balaadhan Dunida, balse Washington ayaa horaanta June kadib joojisey gargaarkaasi kadib markii Maamulka Itoobiya ay ku eedeeyeen iney gargaarka kula kaceen xatooyo ay isku duba rideen tuugo ka tirsan Dowlada dhexe iyo dowlad Deegaanada.



Comments

Popular posts from this blog

NOVEMBER 12, 2022

Ethiopia