HARAR
Aayatiinka sheekh Abaadir
-------------------------------
Abaadirow soo uruuri caashaqa oo ha!
Ereyada kor ku xusan waxaay udub-dhaxaad u’yihiin heesahs dhalinta gebdho iyo wiilal ku hadaaqi jireen todobaatanaadka iyo sideetanaadka boqoleyda labaatanaad ee dhawaan laga soo gudbe!
Sooyaalka, suuganta iyo heesaha jaceelka qaarkooda waaxa ka muuqda in sheekh Abaadir aha weli ama owliyo aay cuskadaan dhalinta wadnahooda jaceelka saaqe.
Hase-ahaatee, hadii nasiib u’yeelatid inaad maalmo ku nagaatid magaalda Harar, una u’kuur gashid keedka sooyaalka qiimaha baadan ee ku bandhigan labada museum ee ka furan bartamha qeebta duuga ah ee magaalda, waxaad kor istaagi doonta sheeko kale oo ka gedisan sida ku xusan suugaanta aan qorneen ee bulshada Somaliyed iyo walaalaheeda, Oromada iyo Cafarta.
Hadaba run ahaantii Sheekh Abaadir waxuu aha siyaasi ka tirisan aabeyaashii magaalada Harar ka askume dowlada iyo talis xoogan oo tixnaa 1161 sano oo xariir ah.
Taliskaas waxuu curte sanakda markoo aha 0969 calankiisana waxuu dhece sanadka markuu ahaa 1885 (0960-1885)
Taliska dowlada Harare ee tixnaa 1161 sano (0960-1885) waxaa soo marey 76 amiir, Sheekh Abaadirna waxuu ahaa amiirka labaad ee ka taliyaa dowladaas.
Sheekh Abaadir waxuu gemberka talada ku fariiste sanadkii markuu aha 1000 waxuuna geeriyoode 1020kii.
Sikastaba arrinta ha’ahaato Sheekh Abaadir dhaqanka iyo sooyaalka aan qorneen a waxuu aga muuqda sida weli Eebi soo dire.
Qof-ahaan kama warqabin xiliga iyo goobta uu ku noola Sheekha Abaadir, aqoonta aan u’lahaana kama badneen inuu aha weli dhalinta jaceelka saaqe magciisa cuskadaan siiba bulshooyinka ku nool waqooyiga Somalia iyo dhulka maanta loo yaqaan kidinka shanaad ee Itibia.
Marr aan Harar maalmo ku nagaade bartamaha bishan hada aan ku jirno Seprember 2015, dalxiis-horjoogeha (turist guide-ka) hogaanka ii haye waxuu waxuu ii soo jeediye fikrad ah inaan soo booqdo xaruunta xabaasha Sheekh Abaadir!
Markii aan weydiiye in hada la joogo xiligi ziyaarada sheekha, waxuu iigu jawaabe in xarunta xabaasha sheekha la’heen xili gaar aah oo la’ziyaarto, waayo sheekh Abaadir waa weli loo cuskado, ama loo kacsado arrimaha jaceelka, jaceelkana yahay arrin joogto ah.
Sedax ila afar maalin ka-hor maalinta dalxiis- horjoogeyda igu marti qaadin booqashada qabrika sheekh Aabaadir waxaan qoraalada ku keedsan labada museum ee magaalada ka o’gaade in Sheekh Abaadir ahaa siyaasi aad iyo aad ugu mashquulsan dhidib-aasida iyo kobcinta dowlada ka curate gobolkda Harar sanadkii 0969.
Hase-ahaatee dalxiis-horjoogaheyga waan ka ogolaade inaan booqdo xarunta xabaasha waliga arrimaha jaceelka fufudeeya.
Booqashadeyda waxaay ku aade xili galab ah, oo ah xiliga reer Harar badankooda u’friistaan barjeenta qaatka!
Wadaadka horjoogaha ka ah xaruunta xabaasha sheek Abaadir waxuu aha nin dhalinyar oo d’a-diisa aan ku qiyaase ilaa iyo 25 jir.
Niinkaas dhalinta yar waxuu aha qof af-Somaliga iyo af-carbeedka jajabsada, waxuuna fadhiye mixraabka masaajid yar oo ku yaale irida xaruurta laga galo.
Masaajidkaas oo balaciisa aha ila iyo 2 mitir, dhirikiisana ila iyo 6 mitir ma’laheen dariishad hawada iyo iftiinka ka soo galaan, waxaana caburiye qiiq luubaan lagu shide laba idin oo yaale bartama masaajidka.
Wadaadka hortiisa waxaa jilbo-jabsi u’fadhiye kuray murugeysan muraadkiisana aha in hor’joohagaha xaruunta gaarsiiyo Sheekh Abaadir fariin la’xariirta badbaadinta jaceelkiisa gaagexe.
Duleedka wiilka waxaa barjo u’fadhiye afar nin oo tareenka nolosha waa-hore ka galbade.
Sida ii muuqate afarta nin waxaay ahaayeen wehell uu cidlada ka wehesheto horjoogaha xaruunta xabaasha.
Waa ka xishoode in sawir aan ka qaado ragan meesha ku dufeeste, masaajidkan qiiqa caburiyna ku qaadireysan, sidaa aawigeedna waxaan dhaqso u-cudsade fasax aan ku booqdo qolka uu ku aasanyahay sheekh Abaadir.
Markaan riixe irida qolka qabriga sheekha waxaa indhaheyga iyo sankeygana ka buuxsame qiiq xoogan oo kala-joogsi laheen.
Qolkaan gudaha u’gale kadib marka qiiqa badankiisa dabeesha raace.
Qolka waa mugdi, nall iftiimiya ma’lahan, manana lahan dariishado ama dariishad iftiinka iyo hawada ka soo galaan, maalintii oo dhana waxaa ka shidan idimo laga buuxiye luubaan.
Balaca qoalka kama badan mitir iyo bar, dhirikiisana sedax mirit, bartamahiisana waxaa ku taal xabaal ila iyo 75 cm kor u’dhisan.
Ma’jiro qoraal ku xabaasha dusheeda ama dhinacyadeeda , ama xitaa go’a cagaaran ee xabaasha kor looga dede.
Sidoo-kale, waxaan jirin qoraalo ku qoran derbiyada qolka gudaahiisa ama banaankiisa.
Taas waxaay ka micno tahay in aaysan jirin qoraalo ama raad la cuskan karo oo cadeen u ah in xabaashan tahay rugtii lagu duuge sheekh Aabaadir xili maanta laga joogo kun sano.
Dhanka kale waxaan soo ogaade in masaajidka Eebe noqon-karo goob lagu barjeeyo ( ugu yaraan marka Harar la’joogo), waayo reer-Harar uma muuqato sabab ka hor joogsata in aay ku barjeeyaan guriga Eebe!
Dalxiis-hogaamiyaha ila socde waxuu si kadis ah iigu sheege in aay wagaansantahay in horjoogaha xarunta xooga gacanta loogu laabo ka hor inta aan xaruunta laga bixin.
Hadaba si aan wadaadka faro-laab yar u’siiyo waxaan ka codsade in qolkan masaajidka ah ee qiiqa luubaanta caburiye debada aga soo boxo si aan wareyse gaar ah u’laayeeshto.
Wadaadka markaan wareeste waxuu ii sheege in jagada horjoogaha xaruunta tahay jago la’iska dhaxlo oo weligeed iyo alaheed sidaa aheed, iyo weliba in asaga abtirse ahaan ka soo jeedo dadkii ka farcame sheekh Abaadir!
Maraan weydiiye sida uu ku ogaan karo inuu ka soo jeedo dadka ka farcame waadad dhinte kunn sano ka hor, waxuu iigu jawaab inuu ka warqabo in dad badan sheegtaan in aay ka soo jeedaan faraca wadaad owliyo ah, ama xitaa ka soo jeedaan faracii dadkii nabi Maxamed, hase ahaate asaga qof ahaan gacanta ku haayo qoraalo cadeen u’ah inuu ka soo jeedo caruurtii uu ka tegen sheek Abaadir.
Mar aan weydiiye in Sheekh Aabadir ahaa siyaasi habeen iyo maalin ku howlan amiir-nimo, talada iyo maamulka bulshada ama inuu ahaa wadaad owliyo ah oo u’go-ay Ale kacabsi, cibaado iyo arrimaha diinta waxuu iigu jawaabe in sheekh Abaadir wax’walbo aha, ama sida masaarida dhahaan
( بتاع كله )
Markaan xarunta banankeeda soo istaage dalxiisa-hogamiyaha ila socde waxaan usheege in magaalda Harar tahay magaalo nasiib badan waayo waxaay ka nabad geshe Alshaaba iyo Wahaabiyeenta Sacuudiga maalgeliyo ee colkda la’ah sooyaalka, soojireenka, taariikhda iyo dhaqmada bulshooyinka muslinka ah.
Dalxiis-horjoogaha asago qoslaayo waxuu iigu jawaabe:
“Dawaco meesha aay macal aga barto ayey macluul ugu dhimataa” wadaadkan xaruntan iyo qaraabadiisa meeshan macluul ayey ugu dhintiin, waa dad tareenka nolosha waa-hore ka tage, mana la socodaan isbedelka ween ee aduunka ku tilaabasde.
Waxaan ka codsade inuu inuu sheekada far-waaween iigu qoro waxuu dhehe:
“ Waa nasiib hadii xaruntan todobaadkii hal qof soo boqodo, qofkaasna wadaadka 50 bir fara-laab ahaan u’seeyo ama ku sadaqeesto, xiligii wadaad iyo owliyo la ziyaan’jire waa la soo gubde, maanta dadka waxaay ziyaartan internetka iPhone-na waxuu gale booski Abaadir!
Waan qosle anigo la’dhacsan sida fudud ee sxbkey warkiisa micnaha ween ku fadhiya u’dhige, waxaana ugu war’celiye in Al-shaabab iyo Wahaabiyiinta maal’geliyo neceb’yihiin dhaqanka dhismooyinka iyo sooyaalka duuga ah ee magaalda ku caanbaxde sababna u’ah imaatinka dalxiiska cadaanka u’badan ee magaalada lacag tiro badan ka soo gasho, shaqooyina abuura.
Harar qeeb’ahaan waxaay ku nooshahay sooyaalka laga dhexle dadkii hore, sida Talyaaniga, Giriiga iyo Masaarida qeeb’ahaan ugu noolyiihiin sooyaalka aay ka tageen dadkii hore, caqli galna ma’ahan in magaalada duuga ah iyo derbiga ku wareegsan dhulka la dhigo, waana nasiib-wanaagn in maanta jirto dowlada amaanka dadka iyo dalka gacan adag ku haayso.
Ugu’dhanbeentii waxaan weydiiye in asaga qof aahan rumeysanyahay in sheekh Abaadir yahay owliyo fududeya arimaha jaceelka waxuuna iigu jawaab.
Maya, reer Harar ahaan sheekooyinka owliyda waa-hore ayaa laga gudbe, qof dhintena kabahiisa aa ka qiimo badan, hase-ahaate waxaan la’socda in marmarka qaarkood xaruntaan soo booqdaan Somalida Diri-dhawe iyo Jigjiga, waana sababta igu dhalise inaan firadan kuu soo jeediyo.

Comments