Jigjiga
FARIINTA HOOGAANKA NABADGALIYADA MMJ.
SEP-14-2022.
Hogaanka Nabadgaliyada MMJ mudane Abdiraaq ayaa awaamiir iyo talaabiiyin cusub oo sare loogu qaadayo amniga caasimada lawadaagay qaybaha kala duwan ee laamaha amniga caasimada ka hawlgal Sida...Saraakiisha caadimada Gudiyada amniga Xaafadaha iyo Maamulada Xaafadaha MMJ.
![]() |
Fariinta hogaanka ayuu nuxurkeedu ahaa sidii loo dhaadhicin ilaa heer xaafadeed dhamaan qorshayaashii iyo soo jeedimihii kasoo kala baxaya kulamadii u danbeeyay ee waaxaha hawlgalada gaarka ah ee Xafiiska Nabadgaliyada MMJ iyo soo jeedimihii kasoo baxay kulankii Gudida amniga caasimada oo uu maanta gudoominayay Maayarka Caasimada Mudane Eng. Siyaad.
X.N.MMJ

Comments