Diyaarad la waayey meel ay martay dabadeed si lama filaan ah dib ugu soo noqotay 37 sanno ka dib, waa qisada duulimaadka 914 !
Waa arrin amakaag ku noqotay qof walba oo isku daya inuu wax ka ogaado qisada duulimaadka 914 ama sida ay dadka badankiisu ugu yeedhaan inaad waqtiga ku safartid.
Sannadkii 1955-july-2 ayaa diyaaradan ka duushay madaarka newyork kuna sii jeeda magaalada miami ee dalka maraykanka, balse diyaaradan ayaa si lama filaan ah loo waayey, waxaa lugu baadhay raadaarrada iyo taawarrada lugu hago lagamana helin wax fariin ah oo ku saabsan diyaarada duulimaadkeedu yahay 914.
Waxaa bilaabmay hawlgallada lugu baadigoobayo khadadkii ay diyaaraddu ahayd inay marto, wuxuu baadhitaankaas ku fashilmay in aan
la helin wax caddayn ah oo sheegaya inay diyaaraddu burburtay, laakiinse maraykanka gudihiisa ayaa muran ballaadhan ka dhashay sannadkii 1955, markii diyaaradda uu duulimaadkeedu yahay 914 meel lugu sheegi waayey sidaasna markii dambe dawlada maraykanka ayaa ku dhawaaqday inay diyaaraddu ku burburtay meel aan la garanayn, waxaa dadkii saarna diyaaradda qoysaskoodi la siiyey lacag magdhow ah oo shirkada diyaaradda lahayd bixisay.
Wargeys kasoo jeeda dalka maraykanka ayaa diyaariyey sheekada duulimaadka 914 uuna ciwaan uga dhigay ( 37 sanno oo cirka ah) bal ila akhriso qaabkii uu wargeysku uga waramay helitaanka diyaaradii la waayey.
Maalin subaxa 9kii sebtembar 1992kii ayaa Juan de la Corte oo kasoo jeeda dalka Venezuela la kulmay arrin yaab leh isagoo ku hawlan shaqadiisa maalinlaha ah ee taawarka lugu hago garoonka diyaaradaha Caracas ee dalka Venezuela markii uu shaashada ka arkay diyaarad uu jaadkeedu yahay diyaarad duug ah, isla markiiba wuxuu telefoon kala kulmay kabtankii diyaarada 914 isagoo leh; xaggee baanu joogna?
Balse Juan de la Corte ayaa ka codsaday kabtanka diyaaradda inuu is baro, laakiin jawaabta ayaa ahayd dhabannahays markii uu u sheegay; inuu yahay kabtanka diyaarada Douglas DC ee maraykanka duulimaadkeedu yahay 914 ka timi newyork kuna wajahan miami.
Arrinta yaabka leh ee uu qoray wargeysku in rakaabkii ahaayeen sidii ay ahaayeen sannadkii 1955kii oo wax isbeddal ahi kumuu iman jidhkoodu, markii la bilaabay baadhitaano dhamaan rakaabkii iyo shaqaalihii diyaaradu waxay ku jawaabeen in keliya ay kasoo duuleen madaarka newyork kuna sii jeedeen miami, sidaas darteed lama oga illaa maanta sababta ay diyaaradaas loo waayey 37sanno, waxaa sheekadan faafintiisa bilaabay wargeysyada iyo telefiishanada iyadoo lays waydiinayo sababta dahsoon ee safarka 914.
Aragtiyaha ugu yaabka badan ee laga faafiyey safarka 914 waa inay ku safartay waqtiga ama wormhole, sidoo kale waxaa jira dad aaminsan inay diyaaradu martay godka saddex-xagalka Bermuda ayna sababtay in la waayo waqtigaas oo dhan.
Waxaa jira dad aaminsan iyagu in sheekada safarka 914 ay tahay sheeko mala-awaal ah oo ay faafisay wargeys raadinayey inuu suuqa hore ugu socod siiyo joornaaladiisa.
W/T : Adnan Mohamet

Comments